Dilaagii ugu halista badnaa Maraykanka oo la ogaaday
MAHURAAN NEWS

Dilaagii ugu halista badnaa Maraykanka oo la ogaaday

October 9, 2019 1:31 pm in Highlights, wararka.  by .
0 views

Dilaagii ugu halista badnaa Maraykanka oo la ogaaday

xiro galalkii baarista ee la furey.

Lahaanshaha sawirkaWISE COUNTY JAIL
Image caption
Samuel McDowell
Mas’uuliyiinta ayaa faafiyay 5 kiis oo dheeraad ah oo ka dhacay degmada Kentucky, Florida , kuwaas oo ku saabsan dad maydadkooda la aqoonsanyahay, iyada oo rajadu tahay in bulshada ay sheegi karaan kuwa ay yihiin dadka la dilay.

Waxa kale oo la baahiyay sawirka ninkan, bal haddii ay jiraan dad dhibanayaal ah oo aqoonsan kara wajigiisa, kuwaas oo aanan horey dacwad oga gudbinin.

Muuqaalo ninkan laga duubay oo uu qiranayo dilal uu geystay ayaa iyaguna la baahiyay, waxaana ka mid ah dilka gabadh dhalinyaro ah oo uu ninka dilay sanadkii 1970-kii.

Waxa kale oo uu ka sheekeeyay haweenay uu ku dhex dilay qol ku yaala hoteel, kadibna inta uu gaari ku qaaday uu maydkii ka tuurey meel qaw ah.

Waxaa la sheegay in xusuusta Little ay wanaagsantahay, balse uu hilmaamay taariikhihii uu dilka geystay, taas oo daahisay baaritaanka socda.

Sanadkii 2012-kii ayaa lagu xiray kiis daroogo ah, balse markii dhiigiisa la baaray ayaa la ogaaday in uu yahay ninka geystay dilal 3 ah oo dhacay 1987-dii iyo 1989-kii, kuwaas oo la hayay diiwaankooda.

Kadib waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, iyada oo markii dambe galkiisa loo gudbiyay waax ka tirsan FBI-da oo qaabilsan dambiileyaasha dilalka badan geysta, sidaas ayaana lagu ogaaday dilalka badan ee uu geystay.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING