Soomaliya Oo U Diyaargaroobaysa Ka Faaiidaysiga Khayraadka Shidaalka
MAHURAAN NEWS

Soomaliya Oo U Diyaargaroobaysa Ka Faaiidaysiga Khayraadka Shidaalka

September 28, 2019 9:04 pm in wararka.  by .
0 views

Soomaliya Oo U Diyaargaroobaysa Ka Faaiidaysiga Khayraadka Shidaalka

Shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

”Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka marka la soo saaro,kaasi oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida oo dhan”, Ayuu yiri wasiir Hilaal.

Maxamuud Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in laga gaashaamanayo in marka shidaalka la soo saaro uusan khatar ugu noqon dadka iyo bayaduba.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baarista xogta shidaalka u xilsaartay shirkadda Spectrum.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING