QORMOOYIN TAXANE AH:SOMALILAND WAXAY CAGTA SAARTEY WADDADII BUR-BURKA
MAHURAAN NEWS

QORMOOYIN TAXANE AH:SOMALILAND WAXAY CAGTA SAARTEY WADDADII BUR-BURKA

August 28, 2019 5:05 pm in Maqaalo.  by .
0 views

QORMOOYIN TAXANE AH:SOMALILAND WAXAY CAGTA SAARTEY WADDADII BUR-BURKA

Somaliland waxay ku timi go aan shacab oo lagu gaadhay degmada boorame ee gobolka awdal 1993 xiigaa ayaana la go aamiyay in qarankani yeesho haykal daladnimo oo uu si dhamaystiran uga guuro nidaamkii qabaliga ahaa

Axdi qarameedkii lagu yagleelay dhismaha iyo taaba galinta calanka aynu hadhsanayno ee tawxiidka sida waxaa ugu horayn ka soo baxay doorashadii layku raacsanaa ee maxamed xaaji ibraahin cigaal  iyo dhamaystirkii haayada aasaaska u ah dawladnimo buuxda oo kala aahaa golaha baaramaanka oo u kala baxayay golaha wakiilada golaha guurtida oo ay raaacaysay dhismihii maxakada sarre ee qaranka

Intaa kor ku xusan ka dib waxaynu ogsoonahay in dalku uu yeeshay dastuur loo qaaday afti dadweyne taasoo lagu dhamasytiray  intii ka maqnayd dhamaystiranka haayadaha  dawliga ah ee qaranka jamhuuryada Somaliland

Mudada lagu jiray dhamaystiranka shaqooyinkaa muhiimka ah oo ay ka samaysantay jiritaankii dalkan iyo majiirashadii luntay ee beelwaynta caalamku waxaa iyana barbar socday jalaafooyin loo dhigayay shaqooyinkaa qaran jalaafooyinkas oo isugu jiray kuo gudaha ah iyo kuwo dibadeed ( external and internal challenges)

Jalaafooyinkaa loo dhigayay taabagalka qaranimada Somaliland waxaa kow ka ahaa  masuuliyiinta ugu sararysa ee maanta ta talada dalka haya  kuwaas oo ilaa xiligaas iyo maanta oo ay jogaan kuraasida u saraysa dalka ay samaynayeen dhaqanadooda siyaasadeed  ficilo isir nacayb ah

Wxaynu ogsoonahay  in xukuumadii u horeysay ee  somaliland taas oo uu gadhwadeen ka ahaa  mudane madaxwayne c/raxman axmed cali  a y ka talaabsan wayday  falalkii cadaawadeed ee ay hurinayeeen labada kornayl ee muuse iyo maxa,ed kaahin  isla markaana  aay ahaayeen  caqabadii ugu waynayd ee ka hortimi xukumadii ku xigtay dalawdii madaxwayne tuur

Ficilada ay samaynayeen labadaas kornayl waxay sababeen dagaalo  galaaftay naf iyo maaal ba  kuwaaas  oo ku wajahnaa beel gooniya ( GARXAJIS)

Jalaafooyinkaa ay labadan kornayl iyo kooxdoodu wadeen waxay ku lamaanaayeen dhamaan dedaaladii xukuumadihii madaxweynaashii cabdiraxmaan axmed cali TUUR cigaal iyo madaxweyne daahir riyaale kaahin

Tan iyo markii ay ololihii qabaliga aahaa ee 2010 talada dalka ay ku boobeen kooxdii shirqooladau               (conspiracy group) iyadoo markaas la badalay nidaamkii dawliga ahaa oo isu rogay  nidaam qabaliya waxaa xadhkaha goostay boobka iyo xatooyada xoolahii umada ka dhexeeyay iyadoo boobkaasi loo marayo nidaam qabli ah waxaana markaasi shaaca qaaday  nidaam siyaasadeed aasaaskiisu yahay qabiil ( JEEGAAN ) nidaamkan qabaliga ah oo ah isku xidhnaan laba qabiil ( habarjeclo iyo sacadmuuse) waxa markiiba dibeda yimi sida uu u mijaxaabinayo midnimadii iyo guud ahaanba jiritaanka qaranimo ee Somaliland waxana saluuga ammurtan ka dhashay uu keenay inay samaysmaan dhaqdhaqaaqyo aan nabdoonayn oo lagu diidan yahay is xulufaysiga qabiilaysan ee la siyaasadeeyay dabadeedna taladii dalka lagu boobay

Dhaqdhaqaaqyadaasi waxaa ay kooxda shirqooladu u dejiyeen qorshayaal lagu waajahayo oo aan la mahadin ugu horayn waxa natiijadii JEEGAANTA iyo JEEGAAN DIIDKU noqotay dagaal lagu hoobtay iyo xasuuqii 800 ee nine e xatta ardaydu ku jirto lagaga laayay beelaha dhulbahante

Xasuuqan oo ku caan baxay XASUUQII KALSHAALE waxa uu tooshka ku sii ifiyay dhagaraha qarsoon iyo qorshayaasha dhagaraysan ee labada reer ee talada dalka boobay maagan yihiin taasina waxay keentay in markii ugu horaysay lagu dhawaaqo AWDAL STATE taasoo uu gadhwadeen ka ahaa suldaan  wabar oo samaystay ciidamo beeleed oo uu beeshiisa kaga difaacayay guluf colaadeed jeegaantu u adeegsato ciidamadii qaranka ka dhexeeyay oo sidii kalshaale loo gaysto

Suldaankan iyo ciidamadiisa oo galay buuraha  gobolka awdal ayaa aan la siin muhiimadii ay lahaayeen

 

Intaasi kadibna waxaa bilaabmay shirar beleedyo salka ku hayay  saluuga laga qabo saami qaybsiga siyaasadeed ee dalka oo guud ahaanba laga simay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha JEEGAANTA shirarkaas oo ka dhacay degaamo caan ah

Talada somliland waxa gacanta ku hayay madaxweyne siilaanyihii aan la mahadin hogaamintiisa talaabadii uu ku furay ururada siyaasada xilli xaaladu aad aad u cakirayd oo saluuga siyaasiga ahi halkiisii u sareysay marayo ayaa shacabka iyo cid kasta oo danaynaysay jiritaanka qaranku aad u so dhawaysay

Furitaankii ururada siyaasadu waxay keentay soo bixitaankii xisbigii rajada shacabka e waddani imaanshihiisii saaxada siyaasada ee xisbiga waddani iyo hogaamiyihiisu waxay mar labaad yididiilo hor leh geliyeen guud ahaanba ummada Somaliland oo y u muuqatay raja ab in laga bixi doono siyaasada qabyaaladeed ee sida xawligaa u soconaysay

Iibintii hantida maguurtada ah iyo macdanta wadanka ee sifada sharcidarada ah lagaga xaraashay kooxaha shisheeye iyo maashaariicdii sida tuugaysiga ah loogu naasnuujinayay shaqsiyaad gaara oo ku abtirsanayay haybta labada qabiil ee jaagaanta la magaxbaxay.

La soco qaybta labaad

qore/ cabdiraxmaan xaaji maxamed cawil ( qadaad )

burco somaliland

CONTACTS: 00252-63-4493161

email:qadaad17@gmail.com



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING