Kala Duwanaansha Somaliland Iyo Somalia Halkuu Salka Ku Hayaa.
MAHURAAN NEWS

Kala Duwanaansha Somaliland Iyo Somalia Halkuu Salka Ku Hayaa.

August 19, 2019 9:15 pm in Highlights, Maqaalo.  by .
0 views

Kala Duwanaansha Somaliland Iyo Somalia Halkuu Salka Ku Hayaa.

Kala Duwanaansha Somaliland Iyo Somalia Halkuu Salka Ku Hayaa.

Dadka badankooda ama labada shacab badankooda ama Siyaasiyiinta labada dhinac badankooda may dersin taariikhda labadan wadan SOMALILAND iyo SOMALIA may dersin ama maba dereensana kala duwanaanshaha labada shacab fikir ahaan iyo taariikh ahaan maamuladay  ka kala yimaadeen xilligii gumaystaha.

Waqtigii Gumaystaha ka hor dadka SOMALILAND la odhan jiray imika magaciisii hore dib  looga bixiyey waxay ahaan jireen dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah oo reero ka  kooban oo  reer walba odayo hogaamiyaan oo xukunkuusu ku qotomay diinta Islaamka marka wax dhacaan hadday  dhiig tay hadday dhaqan tay ama dhaqaale la isku qabto haddaan si kale u dhigo hadday timaado qudh bax ama aqoon ama qaanba. sidaasay shacabka reer SOMALILAND ahaan jireen Xukunkoodu manay jirin wax dawlad dhexe la yidhaa xilligii gumaystaha ka hor ee waxay isku ku kala bixi jireen nidaamka diinta Islaamka oo ay wada rumaysnaayeen. Markii gumaystuhu yimi xukuumaddii Ingiriiiska arin aad umaddii reer SOMALILAND u anfacay  bay sameeyeen oo intaanu gumaystuhu cagahaba soo dhigan bada Berbera bay hashish dhaxal gal noqday kula saxeexdeen oo ahaa INUU INGIRIISKU WADANKA DUSHA KA ILAALIYO LAAKIIN ISMAAMILKOODII DIINTA KU SALAYSNAA EE UMMADAA XOOLO DHAQATADA AHAYD INAANUU SOO FARAGELIN XUKUNKOODA IYO DIINTOODA TOONA (British protectorate). Waa wax Yamaha waa weyn ee ay ku kala  duwanyihiin labada shacab ee SOMALILAND iyo Somalia waayo  heshiiskaasoo kale SOMALIA gumaystahoodii  lamay  gelin oo gumaystahoodii ilaa dukhdaakhil buu socday oo dhaqakoodii buu burburiyey waa arimaha ay labada shacab u kala fikirka  duwan yihiin ee aan isugu darsami karin ee ay ku soo kala boodeen maaha sida ay u dhigaan Siyaasiyiinta labada dhinac ee aan taariikhda iyo nolosha labada shacab soo kala mareen  aan war ka haynin arinkana u dhiga inuu ka bilawday dagaalkii dhacay dhowaan. Markii gumaystuhu ka baxay labada dal ayey wax badani  isku qasmeen oo fikirkii iyo wada noolaashii adkaaday oo xukunkii la kala Boobay. Waxaa kala duwaaday labadii luqadood ee labada maamul ku shaqaynayeen, waxaa kala duwanaaday labadii habmaamul ee labada gumayste ee ka tegay  ku shaqaynayeen, waxaa kala duwanaaday nooca iyo tayada iyo tababarada xirfadeed ama maamul ee shaqaalihii dawladdii Ingiriiska iyo kuwii Talyaaniga kala siteen,  waxaa kala duwanaaday fikirkii iyo akhlaaqdii labada shacab  ilaa  maantana way kala duwanyihiin oo dawlad qudha iskuma noqon  karaan. Sidoo kale waxaa kala duwan dabeecaddii hab dhaqanka labada shacab ee kusoo  kala  baxay labada gumayste  ee waad u kala dhaqanka iyo maamul duwan oo qolo walba soo xukumayey si kala  duwan in ka badan todobaatan sano. Maanta way kala duwantay  oo isuma  dhowa labada dhibaato ee ka kala jira SOMALILAND iyo Somalia. SOMALILAND dhibaatada  ka jirtaa waa mid aad  u sahlan  oo weliba aad u bilaabantay intii  timing ama jirtay  Xukuumaddii  uu Siilaanyo la xanuunsaday oo Saami qaybsigii oo lumey iyo musuqmaasuq xadhiga goostay oo ubad badan ku dhalay wadanka oo SICIR BARAR U WEYNYEY. Laakiin  dhibaatada SOMALIA ka jirtaa  lama  mid  aha waxaa ka jira SOMALILAND  ee way ka foolxuntay oo lagama  sheekayn karo lagamana gayoonayo waayo adduunkoo dhan ayaa Faraha kula jira dhexdoodana deggan maamuladoodana u kala  taliyo waa dumdumo daldalool badan  oo bahala galeen ah. Sidaa awgeed marnaba SOMALILAND iyo SOMALIA isku Dawlad ma noqon karaan ciddii figrad noocaas ah ku fikirtaa waqtiga noocan ah ku riyoodaa  isagaa  dhafoorku Daali.

Dhibta yar ee SOMALILAND ka jirta waa mid  madaxweyne bedeli karo  laakiin dhibaatada dhabta  ah ee ka jirta  SOMALIA  waa mid  Allah  mooyee  aanay mulan in cid bedeli kartaa imika jirto. Wada hadalada  SOMALILAND iyo SOMALIA waa business waa inaan la joojin  ee mar walba  waa inay  SOMALILAND lacag millions ah ku xidhaa  oo ka dheeftaa dalkeedana iyo  dawladeena cawrooyinkeeda asturataa. Hadal iyo dhamaantii SOMALILAND iyo SOMALIA isma raaci karaan kontonka sano ee soo socda. Sidani waa markaan yara mashqaceeyey arima SOMALILAND iyo SOMALIA.

M Bashe
qoranebashe@gmail.com



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING