Beel Dhexaabay Barataye, Baashe Iyo Ayaanloow Soo Mideeya Beelaha.
MAHURAAN NEWS

Beel Dhexaabay Barataye, Baashe Iyo Ayaanloow Soo Mideeya Beelaha.

August 19, 2019 9:17 pm in Highlights, Maqaalo.  by .
0 views

Beel Dhexaabay Barataye, Baashe Iyo Ayaanloow Soo Mideeya Beelaha.

SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-BEEL DHEXAYADIN WAASHAYE,BARIGA IYO GALBEDOW,
BAARLAMAANKI QABATEE,DADKU BARASHO WEEYAANE,
XILALKAAD  MUDADA BADAN,BAAFINAYSAY GAADHEE,
BAXNAYOO DAREERIYO BUUQ LOOMA BAAHNEE.

2-BAYLAHBA IDIIN TAAL,WELIBA AAD U FARA BADAN,
QARANIMO BADBAADSHO,BUULKU YUU INAGA DUMIN,
BAASHE IYO AYAANLOOW,BUD DHIGII HADDAAD TIIN,
BOOLOXOOFTO DHAAFOO,SOO MIDEEYA BEELAHAN.

3-BUUDHIGII MA SAARIDE,FOOSHE BURUJKI DHEERAA,
BUUBIS LOOMA BAAHNEE,BEESHA DHEXE HOGAANSHO.
BASARIYO AQOON WADA,BUDULKII RIYAALE BAAQISI RAACO,
BULKEEDSADA JIDKIISII,WAATII LAGU BADHAADHAYE.

4-BAARLAMAAN MIDOOBA QARNIMO BADBAADSHA,BEELA UYEEDHO
BISMILA DHAHA KURAASTO,BAANDHEEYA QODOBADA,
SOO BAXEE ANSIXISAAN,DHAAMEELKIINA BAAJO,
BARBAR GALA HOGAANSHAA,IDINKON BUN DHAAFAYN.

5-BURINTII DISTOORKAA,QARANKII KU BAAHDAYE,
BAALAHA KA JOOGSADA,CIDNA HAWGA BAQANINA,
BEELDHEXE ILOOBO, BUDKII DHIGA AYDIN SIDATEEN
BAABUURKII DHAQAAJO,KA ILAASHA BOHOLAHA.

6-BUURAHANA HA SAARINA,WUU INALA BANJARAYA,
BIREEGA IYO GEERKIYO,BOOLASHOW ADKEEYOO,
BILAYSKEENA DABA GALA,BUDHCADAN KA FIIRSADA,
XAMAR SOO BARBAARSHEN,DALKA WAY KA BUUXAN.

7-BEELAHAN ISDILAYAA,WAA BAAB IDIIN YAALE,
KA BADHEEHA NABADOO,BOQORIYO SULDAANADA,
GASIIRADAA LA BEEGSADA,MAGNA YAAN LA BIXINO,
BELAAYO LAYSU KAASHANE,SHAREECADA LA BEEGSADA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING