Shirqoolkan ma ahayn kii koobaad ee horaan shirqool ugu dhignay cabdiraxmaan abees intaanan heego ka bixin.
MAHURAAN NEWS

Shirqoolkan ma ahayn kii koobaad ee horaan shirqool ugu dhignay cabdiraxmaan abees intaanan heego ka bixin.

July 8, 2019 6:35 pm in Maqaalo.  by .
0 views

Shirqoolkan ma ahayn kii koobaad ee horaan shirqool ugu dhignay cabdiraxmaan abees intaanan heego ka bixin.

 

Sanadku waa 2017 olilihii doorashooyinka bilaabmaya reerka sacad muuse xamaasadaa ku yar oo heerkii la doonayay ma gaadhsiisna.

Abwaanadu waa dadka ugu saameynta weyn leh, xiligaa ololaha niman abwaano ah oo ay ka mid yihiin weedhsame, cabdilahi xasan ganey, iyo cabdiraxman abees waxay qaateen mawqif dhexdhexaadnimo ah halkaan ka sugaynay inay durbaanka qaataan oo ay dadka kiciyaan.

Dhinaca kale waxan ka baqaynay inay dadkale mawqifkooda oo kale qaataan oo taageerayasha reerku hoos udhac ku yimaado, xaalada anagoo ku jirna ayuu cabdiraxman abees ku dhawaaqay xaflad uu ku soo bandhigayo suugaantiisa.

Shirqoolka koobad habeenkas ayuu dhacay Hargeisa ayay ahayd qofka fuliyayna aniga ayuu ahaa gaadhigan missionka ku galnayna waxa wade ka ahaa nin uu dhalay madaxweynaha haatan jooga oon qorshaha ku wada soconay.

Ujeedadu waxay ahayd inuu tension abuurmo kadibna taageeraysha Waddani ka falceliyaan marka dambana kuwa Kulmiye ficil galo oo xamaasadu ku kacdo sidii ayayna u dhacday.

Hadaba shirqoolkii siyaasadeed ee Borama cabdiraxman lala beegsaday waxay ila tahay inuu ku salaysnaa safarkii ay abwaanadu ku tageen ceel afweyn kaas oo ay xogbadan ka soo haleen lagana baqay inuu cabdiraxman xogtaas u isticmaalo weji siyaasadeed.

Axmed daa’uud



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING