Somaliland iyo somalia dagaalka dibloomaasiyadeed ee cusub
MAHURAAN NEWS

Somaliland iyo somalia dagaalka dibloomaasiyadeed ee cusub

July 6, 2019 9:19 pm in Maqaalo.  by .
0 views

Mahuraan News

odoroska iliiladaha qarsoon we dibloomaasiyadu waa u muhiim xog ogaalnimada wararka socda dhinac walba

booqashadii rasmiga ahayd ee madaxweyne biixiga Somaliland Ku tagay dalka juquraafi ahaan dhaca galbeedka afrika ee Ginni waxay sababtay in dawlada federaalka somalia ay xidhiidhkii u goyso dawlada Ginni waxaana sidaasi xaqiijiyay wasiirka arimaha debeda dalka somalia

tallabadaa dawlada federaalku xidhiidhkii ugu goysay Ginni waxa markiiba jawaab ka bixiyay raxan wasiiro ah oo hargeysa Ku qabtay shir jaraaid waxaanay masuuliyiintaasi sheegeen in somalia ay cadaawad u samaynaso sidaasi

sidoo kale marwo faadumo siciid oo ah xoghaya arimaha dibeda ee xisbiga mucaaradka ah ee somalia ayaa sheegtay inay xisbi ahaan canbaaraynayaan tallabada dawlada dhexe ee soomaliya

qaybaha kala duwan ee bulshada Ku dhaqan Somaliland ayaa iyaguna arintan aad u cambaareeyay waxaana soo baxaya baaqyo dhamaantood loo dirayo somalia Laguna diidan yahay inay midnimada soomaliya oo ay difaacayso darteed xidhiidhka Ginni u goysay iyadoo sidoo kalena in badan lagu soo celcelinayo in dawlada Somaliland lays garab taago

haddaba maanta xerada ciidamada ee xalane waxa shir albaabadu u xidhan yihiin Ku yeeshay dawlada federaalka somalia iyo safiirada beesha caalamka kulanka oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd waxaa markuu soo dhamaaday weriyayaasha LA hadlay wasiir cawadka somalia oo sheegay inay dawladiisu safiirada beesha caalamka kala hadlaysay sababtii keentay inay xidhiidhka u gooyaan Ginni isagoo talaabadaas ku macneeyay inay Ku difaacayeen jiritaanka qaranimada somalia iyo midnimadeeda wasiirku wuxuu sidoo.kale sheegay inay safiirada beesha caalamka kala hadleen jiritaanka dawlado kale oo isla waxyeelaynta somalia Ku hawlan

isku soo. wada duuboo waxa cad in somalia iyo Somaliland ay haatan isku arkayaan saaxada dagaal ee dibloomasiyada



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING