“Cumaamadan Aad Xidhateen Walaalayaal Cadaab Haku Mudanida”
MAHURAAN NEWS

“Cumaamadan Aad Xidhateen Walaalayaal Cadaab Haku Mudanida”

July 6, 2019 5:30 pm in Maqaalo.  by .
0 views

“Cumaamadan Aad Xidhateen Walaalayaal Cadaab Haku Mudanida”

Cumaamadihii Oo Hableheenu Caashaqeen Yaab!!!

Cumaamadu Waa Shay Kamida Lebiska Raga U Gaarka Ah’ Caalamul-Carab Iyo Qaybo Kamida Bariga Dhexe Ragu Dhaqan Ahaan Ayay U Xidhaan Cumaamada.

Hadaba Sanadkii 2017-Kii Ayaa Fanaanada Reer lebanon 🇱🇧 Ee “ Hiba Tawaji”
Kasoo Muuqatay Muuqaal Ay Ku Lebisantahay Oo Ay Madaxa Ugu Duuban Tahay Cimaamad, Nooca Casaanka Iyo Cadaanka Isugu jirta’ Ee Khaliijka Caanka Ka Ah’ Sidoo Kale Waxaa Iyana Sawiro Ay Xidhan Yihiin Ay Barahooda “Instigram” Ku Baahiyey Fanaaniin Carbeed Oo Xidhan Cumaamadaasi.

Intaa Kadib Dhamaan Hablihii Reer Lebanon 🇱🇧 Iyo Kuwii Carbeedba Waxay Ka Dhigeen “Challenge” Oo Way Wada Xidheen Iyagoo iskaga Qaadaya Sawiro Iyo Muuqaalo, Kuna Baahaniya Baraha Bulshada.

Hadaba Todobaadadan Ayay Hableheenu Bilaabeen “Challenge”gan.

— Maxay Diintu Ka Qabtaa?

Diinteena Islaamku Waxay Inoo Kamishay Marxal Kasta Ama Mishaakilaad Diiniya Oo Aynu Waajahno Xalkeeda Iyadoo Aynu U Kutub-furno Umuurahaa Axaadiis Iyo Aayaat Ayaa Ina Haga Si’Aynu Ugu Dabaqno Nolosheena’ Waxkastoo Ay Inoo Sheegtay Diinteenu Inay Baadil Yihiin Oo Ay Inaga Nahyisay Inaynu Ka Dheeraano Waa Muhiim Inaynu Tacaamilkeeda La Nimaadno, Si’aynu U Liibaano Labada Daaroodba.

Hadaba Xadiiskan Ayaa Kasoo Arooray Arinkan Hableheenu Ku Dhaqmayaan Maanta.

“ { Nebi Muxamed “SCW” Waa Nacdalay Ninkii Ku Labista Labis (Maryo/Gashi) Dumar, iyo Gabadhii Ku Labisata Labis Nin }

عن ابى هريرة “رضى الله عنه” قال: (( لعن رسول الله “صلى الله عليه وسلم” الرجل يلبس لبسة المراءة، والمراءة تلبس لبسة الرجل)) رواه ابو داود.

Fadxi Greenford



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING