Lionel Messi oo Xalay TAARIIKH lama ilaawaan ah u dhigay Barcelona
MAHURAAN NEWS

Lionel Messi oo Xalay TAARIIKH lama ilaawaan ah u dhigay Barcelona

August 13, 2018 8:47 am in Ciyaaraha, Highlights.  by .
0 views

Lionel Messi oo Xalay TAARIIKH lama ilaawaan ah u dhigay Barcelona

Barcelona ayaa xalay soo xareysatay Spanish Super Cup markii 13-aad taa oo ka dhigeysa kooxda inta ugu badan hanatay kaddib markiiay 2-1 ku martay Sevilla ciyaar ka dhacday Magaalada Tangier ee dalka Morocco.Lionel Messi ayuu kulanka mid gaar ah uga dhignaa maadaama uu ku guuleystay koobkii ugu horreeyay ee Barca isagoo ah Kabtanka koowaad ee kooxda.Intaa oo kaliya maahan oo wuxuu xalay dhigay Taariikhlama ilaawaan ah oo wuxuu noqday laacibka ku guuleystay koobabkii ugu badnaa ebid Taariikhda kooxda reer Spain.Wuxuu ku guuleystay 33-koob intii uu la joogay Barcelona mana jiro ebid intii ay jirtay kooxdan laacibintaas oo koob la qaaday.Wuxuu ka sara maray Iniesta oo u boqoolay Japan kaa oo Barcelona la qaaday 32 Koob.Waxaa ku soo xiga Gerard Pique iyo Sergio Busquets oo min 28 koob kula guuleystay kooxda reer Catalonia halka Xavi uu la qaaday 25-koob.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING