Marco Reus oo iska diiday inuu kala shaqeeyo Pep Guardiola kooxda Manchester City
MAHURAAN NEWS

Marco Reus oo iska diiday inuu kala shaqeeyo Pep Guardiola kooxda Manchester City

June 27, 2018 8:01 pm in Ciyaaraha, Highlights.  by .
0 views

Marco Reus oo iska diiday inuu kala shaqeeyo Pep Guardiola kooxda Manchester City

Xidiga khadka dhexe kooxda Borussia Dortmund Marco Reus ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo kooxda reerEngland ee Manchester City.Marco Reus ayaa dhawaan u saxiixay kooxda Borussia Dortmund heshiis cusub ee gaarsiisan ilaa iyo 2023, isagoo door biday inuu la joogo kooxda reer Germany,halkii uu ka dhaqaaqi lahaa.29 jirkan Borussia Dortmundayaa wuxuu haatan qeyb ka yahay xidigaha xulka qaranka Germany kaga qeybgalaya koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Pep Guardiola uu si xoogan u doonayay saxiixa Marco Reus, laakiin laacibka reer Germany ayaa door biday inuu joogo kooxdiisa Borussia. Halka uu kaga dhaqaaqi laha Manchester City.Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in sababta uuMarco Reus u diiday ku biirista kooxda Manchester City ay tahay jaceyl uu u qabo jamaahiirya kooxda Borussia Dortmund.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING