Xulka qaranka Mexico oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka aduunka 2018 kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen South Korea
MAHURAAN NEWS

Xulka qaranka Mexico oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka aduunka 2018 kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen South Korea

June 23, 2018 10:27 pm in Ciyaaraha, Highlights.  by .
0 views

Xulka qaranka Mexico oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka aduunka 2018 kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen South Korea

Kulanka oo ahaa Mid aad u xiiso badan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay xulalka South Korea iyo Mexico waxaana uu kamid ahaa kulamada labaad ee Group-ka F.Ciyaarta ayaa ku bilaabatayjawi degan oo ah weerar iyo weerar celis waxaana qeybta koowaad lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayeen xulka qaranka Mexico.Goolka xulka qaranka Mexico ayaa yimid daqiiqadii 26-aad wuxuuna ahaa rigoore uu u ugu dambeyn gool u badalay xidiga kooxda Los Angeles FC ee Carlos Vela.Xulka qaranka South Korea ayaa helay fursado dhowr ah uu kusoo barbareen karay dhigiisa Mexico, laakiin ciyaarta ayaa noqotay mid qeybta hore lagu kala nastay 1-0 uu ku hogaaminayay xulka Mexico.Qeybta labaad markii la isku soo laabtay labada xul ayaa halkooda kasii bilaabay ciyaar aad loo jecleestay, waxayna sameeyeen kubado weerar iyo weerar celis ahaa.Laakiin daqiiqadii 52-aad ee qeybtii labaad ciyaarta xulka qaranka South Korea ayaa waxay ku doodeen in garsoorka ciyaarta uu ku abaal mariyo rigoodhe, kadibmarkii ay mid ka mid ah difaacyada Mexico ay kubad gacanta kaga dhacday xili uu ku dhex jiray xerada ganaaxa. laakiin garsoorka ciyaarta ayaa ku adkeestay go’aankiisa.Laakiin daqiiqadii 66 ayay markale jamaahiirta xulka qaranka South Korea ayaa neefta ku dhagtay kadib markii uu gool kaga shubay xidigii hore kooxda Man United Javier Hernandez, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0. Kadib markii uu baas qurux badan ka helay Hirving Lozano.Balse xulka South Korea ayaa waqtigii dhimashada eewaqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 90-aad wuxuu la yimid gool waxaanau dhaliyay xidigooda Heung-Min Son oo ciyaarta ka dhigay 2-1.Ugu dambeyn waxay ciyaarta noqoto mid aad u xiiseo badan ee weerar iyo weerar celis ah xulka qaranka Mexico ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu u gudbay wareega xiga 16-ka, kadib markii uu uu guul 2-1 ka gaaray dhigiisa South Koreaoo gabi ahaanba tartankan macsalaameeyay



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING