Russia oo usoo baxday Wareega Bug baxda ee Koobka adduunka iyadoo Tartanka ka Reebay Xulka Egypt
MAHURAAN NEWS

Russia oo usoo baxday Wareega Bug baxda ee Koobka adduunka iyadoo Tartanka ka Reebay Xulka Egypt

June 19, 2018 11:14 pm in Ciyaaraha, Highlights.  by .
0 views

Russia oo usoo baxday Wareega Bug baxda ee Koobka adduunka iyadoo Tartanka ka Reebay Xulka Egypt

Xulka Martigalinaya koobka adduunka ayaa gaaray wareega bug baxda kamid markii ay si sahlan guul kaga gaareen Egypt cayaar ku dhamaatay 3-1.Kulanka qeybtiisa kowaad ayaa lagu kala maray goolal la’aan 0-0 ah balse wax kasta ayaa is badalay markii ay dib u bilaabatay kaambiyaha dambe.Xulka martigalinaya koobka ee Russia ayaa helay goolka koowaad wuxuuna ahaa mid ay iska dhaliyeen cayaariyahanada Egypt gaar ahaan laacibka Ahmed Fathi markii kaambiyaha dambe ay socotay un labo daqiiqo.Intaa loogama harin qaranka faraaciinta oo waxaa goolka labaad si qurux badan kaga dhaliyay Denis Cheryshev oo la kulmay baas banaanka lasoo dhigay si hoose ayuuna goolka ugu hubsaday daqiidadii 59-aad waxaana goolkiisa seddaxaad uu tartanka kadhalinayo laba kulan oo ay cayaareen.Xiddigaha xulka Egypt ayaa u muuqday kuwa ka niyad jabay cayaarta sababtoo ah waxa seddaxd daqiiqo kadib goolka labaad ee Russia yimid midkoodii seddxaad kaaoo ahaa kubbadd jog dheer ku socotay oo laga soo tuuray goolka martigaliyaasha waxaana gool u badalay xiddiga Artem Dzyuba kana dhigay dheesha 3-0.Eygpt ayaa goolka qura oo ay helaan uu ahaa rigoore lagu galay Mo Salah is isaga ayaan u dhaliyay markii cayaartu socotay 73 daqiiqo.Masar ayaa noqotay dalkii u horeyay ee isaga hara tartanka cayaaraha adduunka madaama ay qasaareen labadii cayaar ee Group A waxayna kulan kooda u dambeya la dheeli doonaan Saudi Arabia.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING