Maxaa Laga Bartay Guusha ay Japan ka Gaartay Colombi
MAHURAAN NEWS

Maxaa Laga Bartay Guusha ay Japan ka Gaartay Colombi

June 19, 2018 7:21 pm in Ciyaaraha, Highlights.  by .
0 views

Maxaa Laga Bartay Guusha ay Japan ka Gaartay Colombi

Xulka Japan ayaa guul ku daah furtay cayaaraha adduunka kulankooda kowaad ee furitaanka tartanka.Goolal ay ka kala heleen labada cayaariyahan ee Shinji Kagawa iyo Yuya Osako ayaa u suura galiyay in ay seddax dhibcood ka qataan Colombia oo ay ka wada mid yihiin Group H.Kulankan dhexmaray labada xul ayaa lagu bixiyay casaankii u horeyay ee koobka adduunka markii garsoore Damir Skomina uu cayaarta ka saaray Carlos Sanchez oo noqonaya laacibkii u horeyay ee tartanka ka soconaya Russia la siiyay RooseHadaba Maxa laga Bartay KulankaTani waa markii u horeysay ee afar dal oo koofur America ah ay ku fashilmaaninay guul garaan kulankoodafuritaanka koobka adduunkatan iyo 1974.Japan waxa ay noqotay dalkii ugu horeyay ee Asia oo garaaca dal kasoo jeeda Koonfur America cayaaraha koobka adduunka waxay wada dheelen 18 kulan hal mar ayay badiyeen waana guusha maanta ay gaartay Japan 3 barbaro iyo 14 guuldaro ah.Keisuke Honda waa cayaariyahankii u horeyay ee ka socda xul qaarada Asiakaa oo caawiya gool seddax koob adduun oo kala duwan tan iyo 1966.Keisuke Honda ayaa si toosaugu lug yeeshay lix gool oo ay Japan dhaliyeen sideedkiidheel u dambeysay koobka adduunka 3 wuu dhaliyay halka 3 uu dhigay.Juan Quintero waa xiddigii ugu horeyay ee laba koob adduun gool u dhaliyay xulkaColombia kadib 2014 iyo 2018.Waxaa jira ilaa haatan in koobka adduunka laga dhaliyay afar Free kick ama laadka xorta ah kaliya 15 kulan oo la dheelay tartanka mar loo eego bilisoonadii laga dhaliyay koobkii adduunka ee 2014 lagu martigaliyay Brazil kaaoo ay ka dhasheen kaliya seddax Free Kick.Roosaha la siiyay Carlos Sanchez ayaa ku yimid 2 daqiiqo iyo 56 sikin waana ebed casaankii labaad ee ugu dhaqsiyaha badnaa koobka adduunka, kadib JoseAlberto Batista oo Uruguay ahaa kaas oo ku qaatay roose 54 sikin kulan ay la cayaareen Scotland koobkii adduunka 1986.Eiji Kawashima ayaa noqday cayaariyahnkii ugu da’da weyna xulka Japan ee safta koobka adduunka isagoo jira35 sano iyo 91 maalin.



HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. SMALL BUSINESS MANAGEMENT SKILL TRAINING

HILAAC ORG. COOKING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. TAILORING SKILL TRAINING

HILAAC ORG. FURNITURE SKILL TRAINING